Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL ayaa Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargaysa ku soo dhaweeyay ardaydii wax ka baran jirtay dalka Suudaan ee dagaalku ugu dhacay.

avatar

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL ayaa Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargaysa ku soo dhaweeyay ardaydii wax ka baran jirtay dalka Suudaan ee dagaalku ugu dhacay.

Ardaydan oo isugu jirtay Hablo iyo inamo kuna faraxsan In dalkoodii ay kusoo noqdaan iyaga oo nabad qaba ayaa waxa soo dhawayntooda Wasaarada ku wehelinayay Waalidiinta iyo Qoysaska Ardaydaasi.

Gudoomiyaha ardayda oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay xukuumada JSL sida ay isaga xil saartay Samato bixinta iyo in dalkooda ay soo gaadhaan, iyaga oo si gaara ardaydu ugu mahadnaqeen wasaaradda waxbarashada oo si joogto ah ula socotay xaalada ardayda islamarkaana iyadu suurto galisay inay soo nabad noqdaan ardaydani.

Qaar kamida waalidiinta ardayda oo halkaa ka hadlay ayaa ka waramay dareenkooda iyo sida ay ugu faraxsan yihiin in ubadkoodii Alle kasok nabad geliyay dagaalada ka dhacay dalka Suudaan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Jsl Oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay sida Madaxda kala duwan ee xukuumada somaliland ee ilaa heer Madaxweyne ay isaga xil saareen sidii ardaydaasi ay dalkooda ugu soo noqon lahaayeen isagoo si diirana usoo dhaweeyay ardaydaasi.
1683151794870.jpg

1683151801736.jpg

1683151798619.jpg

1683151790997.jpg
1



0
0
0.000
0 comments